xaaji - cali
xaaji-cali  
hiddaha iyo dhaqanka soomaaliyeed  
  Arar ::
    " Baadida ninbaa kula daydaya, daalna kaa badane - Oon doonihayn inaad heshana, daa’in abidkaaye - Dadkuna moodi duul wada dhashoon, wax u dahsoonayne -Dala malaha aakhiro haddii, loo kitaab dayeye. ( Qamaam Bulxan )
Xaaji-Cali

SILCIS-GURGAARTE IYO GOOBROON

Waxaa jirtay sheeko aan qoraal laga haynin, ee khuseysa laba qolo ee ka mid ah ummadda somaaliyeed ee kala duwan, haddana dhulkaa aad ogtihiin wadaaga : magacoodu waxaa uu ahaa : Silcis-Gurgaarte iyo Goobroon. Labadaa qolo ee wada beeraaleey ahaa, inkastoo ay wada degganaayeen dhulka agagaarka Afgooye , haddana waxaa gacan sarreeyey qolada Silcis-Gurgaarte, oo ahaa dad 'ani' ah, sida la sheegayna kibirkoodu gaarey xad in marka la weydiiyo su'aasha :

- 'Jeli iyo Jelli yaa weyn ?'

Jawaatoodu noqoto : ' Jeli ayaa weyn' ( Jeli oo marna sidaa loo qoro marna Giali- waa tuulada ay degganaayeen Silcis-Gurgaarte oo weli ka jirta agagaarka 'Jambaluul, Ra'yimoog iyo Arrinmoog'/ Jelli na waa Tafsirka Quraanka awal iyo aaqira).

Markey xoolahii iyo xukuumaddiiba gacanta ku dhigeen, Silcis-Gurgaarte waxey go'aamiyeen haddana in:- :

1-Gobroontu canshuur joogta ah bixiyaan ;
2-ilmahii u dhashaana la soo sheego, si loo tirakoobo.

Qofkii ku xadgudbo labada amarna, laga taqalluso. Si ay u meelmariyaan amarka koowaad, dadkuna u kala soocaan, Silcis-Gurgaarte waxey gooyeen in ilbaabada guryaha Gobroontu degganaayeen, in bidix loo rakabo ama loo dhiso, kuwa Silcis-Gurgaartana midig loo rakabo, si guryaha loo kala garto.

Si ay u hubiyaan hirgelinta amarka labaad, waxey Silcis-Gurgaarte ka dhistey magaalada gees-ka-geeskeeda, ayagoo safan, dhismo la yiraahdo 'raar': mid walba ka sameysan afar tiir oo midkasta qof saaran yahay. Markaana,qofba qofka kale u baaqaya, una sheegaya ilmahii dhashaaba, ama arrintii la doonaba. (Waa isgaarsiin casri ee ka horreysey tan waqtigaa).

Markii ay shacbigii Gobroontu ee magaalada u adkeysan waayeen sida loo xirxiray, waxey go'aansadeen in ay iska kiciyaan Silcis-Gurgaarte.

Gobroontu, inkastoo laga gacan sareeyey, haddana waxey ahaayeen dad ku dheereeyey Quraanka, xirfadda ay ka gaareena 'asraarta'na weli lama arkin. Sidaa awgeed ayey shir u fariisteen, bilaabeena inay 'Burji xisaabaan' ( sida aad ogtihiin Burji macnihiisa la soo gaabiyey waa 'awood, quwad, xoog' ; burji xisaab= waxa u tilmaamayaa ama xisaabayaa, awoodda qofka raba inuu dagaal galo.)

Burji xisaabintii waxey soo saartey in Gobroontu aysan haba yaraatee, nasiib u laheynin iney keligood iska saaraan Silcis-Gurgaarte, ee loo baahan yahay in ay 'cid burji sare' ay gacan ku siiso ujeeddadoodu. Waxaa jirtey waagaa, in qolooyin ka yimid waqooyiga ay badar u soo doonan jireen dhulkaa beeraleeyda, qolooyinkaa waxaa ka mid ahaa qolo la yirahdo Wacdaan Cosmaan (waa Abgaal Cosmaan walaalkii).

Burji-xisaabintii Gobroontu, cirka ayeey isku tallaashey markii magaca Wacdaan-Cosmaan lagu darey xisaabta; waxaa markaa dantu qasabtey in gogol loo dhigo Wacdaankii : heshiisna meeshii ka dhex dhaco ayaga iyo Gobroon. Asraartii ka soo baxdeyna heshiiskaa, ay ku fillaatey in ay kiciso Silsicis-Gurgaarte - illaa iyo haddana lama hayo meesha ay ku dambeeyeen-.

Sidaa ayuu Wacdaan-Cosmaan maanta weli ku deggan yahay dhulkaa Afgooye: dhinaca Lafoole iyo Balbayeeri, dhulkaas oo aan horey u ahaan jirin deegaankooda caadiga ahaa.

Xaaji-Cali (sheekooyin kale)
 
 
Infos
Somaliway.com ©1999-2012