logo  
Dhaqanka iyo Hiddaha soomaaliyeed...  
  Arar ::
    cunto wanaagsan
Bariis baazarac

bariiszebiib

Sida loo diyaargareeyo

Bariis, zacfaraan, loos iyo qarfo

Bariiskan aan hilib ku jirin, waa saxan loogu talo galey in miiska la soo saaro maalmaha  ciidda: uma  baahno in lagu daro cunto kale, aan hayn shaah ama khaxwo.
Uma baahni in aan idiin tilmaamo in loo baahan yahay in bariisku dhowr jeer biyo lagu dhaqo, kadibna xeero lagu firdhiyo si uu  biyaha uga qallalo : waa caado soomaaliyeed waana mid bariiska qafiifineyso.
Bariiskan habkaa loo diyaariyey, waa bariis ugu dambeystii dhadhan macaan yeelan doono, maadaama lagu dhex kariyey laba nooc ee zebiib iyo subag sixin.

baazarac miro beydaan miro beydaan la dubey heel,qarfo zebiib subag sixin xawaajixawaaji besbaas  
beriisomaliway.com

Qiyaas 4 qofood :

300 g.
‘bariis baazarac’

3 ama 4 heel la furey
50 g. d'amandes (almond)
50 g. miro cajou 'beydaan'( loos la'aantiisa waxaan isticmaaley 'noix cajou')
50 g. pistache
50 g. de zebiib cad
50 g. de zebiib madow
1/2 macalgad yar zacfaraan lagu qasey 3 m.weyn ee biyo kulul, ama 1/2 qaado yar ee xawaaji
subag sixin ama saliid cas
1 maaggi khudaar
1 besbaas cas
1 m. weyn ee yaanyo shishiid
cusbo
filfil

Daar foornada th 3

beriisomaliway.com

1)- Barriksa haadiya, ku shuba biyo dhowr jeer illaa uu biyuhu nadiif noqdo, xaarin ku firdi ee sug inta uu ka qallalo ;

2)-Kubeka Maggi ee khudaar ku shub biyo kulul ee dhinac dhig ( xasuuso : 1 koob ee bariis wuxuu u baahanyahay in lagu kariyo 1 koob iyo bar ee biyo kulul ama maraq) ;

beriisomaliway.com

3)- Waxaad digsi ama surfiyad ku shubtaa 2 m. weyn ee saliid cad iyo 2 m. weyn ee subag sixin: dabka saar ; markuu yara kululaado ku dar :
-3 ama 4 xabbo ee heel aad qarxisey;
-1 xabo kaamil ee qarafful;
-nus qaado ama macalgad ee xawaaji ama zacfaraan ( inkastoo uu ka qaalsan xawaajiga);
-1 besbaas cas ee shiidan;
-1 qaado weyn ( qw) ee yaanyo shishiid
.

beriisomaliway.com

-in yar rog rog, si ay si qafiif ah u dubmaan : ka ilaali gubidda;
-waxaad ku dartaa bariiska baazaraca  : walaaq illaa uu bariisku subagu qaato ;
-ku dar maraqii aad diyaargareysey ama biyo: cusbey, filfileey; dabool ee sug 10 daqiiqo oo karis ah: deb dhexdhexaad ah;
- markuu maraqu wax yar hoos u dego, laakin uusan dhammaanin, macalgo qaado ee walaaq kor iyo hoos, dabool xeran saar digsiga :
( waa hore waxaanu saari jirney dhegxo surfiyadda dabolkeeda , maantase waa hab cusub oo digsiyadu waa ay xermaan. )
-Foornada geli 10 daqiiqo oo kale ;
-waqtigaa kadib, soo saar digsiga, kormeer bariiska inuu qallalay : ku shub wax yar oo subag sixin : ku yaaci si uu fur-fur u noqdo. ku hay foornada oo densan

beriisomaliway.com

4)-Waxaad surfiyad yar ku shubtaa in yar oo subag sixin ah, ku dar  looska, amandada, miro cajou ama loows,, pistache, zebib cad iyo madow : wada rog rog ilaa uu subagu dhex galo ; dhinac dhig.

 
pistache   amande   cajou
Pistaches   Amandes   Miro beydaan
 

beriisomaliway.com

5)-Laba hab ayaa markan ku bannaan :
-mar waaye : adigoo isku dhex walaaqaya bariiska iyo miraha aad dubtey ; waa habka aan anigu doortey ;
-mise in aad isticmaashid daasad ama koombo toonno maran  : haddad doorbidey habkaan :
-soo qaad daasada , nadiifi, saldhiggeeda fur: waa iney labada dhinac ka furan tahay - iska ilaali ineysan ku goynin
-saxan soo qaado , daasadda saar ku shub bariis, kor saar miraha , haddana bariis, ku dhammeystir miraha oo aad si qurxan u bandhigtid;
-sidaas aayaad qof walba saxankiisa ugu dhistaa raar ka sameysan bariis iyo miraha duban.

cunto wanaagsan

dib u noqo

 
  Infos Somaliway.com ©1999-2012