arkiviyo
 
Hiddaha iyo dhaqanka soomaaliyeed  
  Arar ::
    " Talo la diidaa, tagooga jab bay leedahay."
ARKIVIYO

Murti soomaaliyeed

Waxaa jirtay sheeko dhexmartay labo nin oo jid ku wada kulmay, ayagoo safar ah.-

Mid magaciisu wuxuu ahaa Shekh Xussen, waxaana uu degganaa magaalada ay u wada socdeen; midka kalena, Xaydar, safar socoto ayuu ahaa.
Muddo mar ay socdeen ayaa uu Xaydar ku yirey Shekh Xussen :- " Nin yahoow, i qaad ama aan ku qaado . "
Xusseen isagoo yaaban ayuu ugu jawaabey : " War anigu kuma qaadi karee, adiguna sidoo kale ima qaadi kartidee, aanu wada soconno. "
Markii ay soo wada galeen magaalada, ayuu odaygii Xussen ka leexday Xaydar, isagoo isla markaa u tilmaamaya in uu deggan yahay guryaha guriga ugu weyn.
Mar alla markii uu gurigiisa tegay ayaa gabdhihiisa gabar ka mid ah, Asli, ka wareysatey safarkiisa :
" Waxaan soo arkey nin i yiray : 'i xumbaar ama aan ku xumbaaro' " waxaan ugu jawaabey : " kuma xumbaarikaree, haddaad ii baahatid halkaas ayaan degganahay" ;
Asli inta ay qososhey, ayey ku tiri:- "Aabbe, orodoo ninkaa safarka ah ka doon masaajidka".

Sidii ayuu haddaba Xaydar ku soo galay gurigii Shekh Xussen; Aslina halkaa ugu diyaargareysey cunto.
Cuntadii waxey ugu dhiibtey gabar u shaqeeyneysey, ayadoo fareyso in ay u tiriso Xaydar, tixdaan:-

-Bishu waa saddex,

-Xiddiguhu waa siddeed;

-Badduna waa buuxdaa.

Jawaabtii Xaydar u soo tebiyey Asli, markuu cuntada dhammeeyey, waxey noqotey:-

-Bishu waa labo,

-Xiddiguhu waa shan,

-Badduna waa caari.

 

Halkaas ayey Asli iyo Xaydar isku afgarteen, odaygii Xussen na ugu wada duceeyey.-

Erey-bixin

i xumbaar ama aan ku xumbaaro

"ii sheekeey ama aan kuu sheekeeyo":
bishu = waa canjeerada
xiddiguhu = waa hilibka
badduna = waa maraqa
caari ama caarid = waa erey loo isticmaalo badda , marka xeebtu durukto

Asli jawaabta Xaydar waxey ka fahantey in boyessadii , cuntada dhexda ku cuntay.-

qorrax

jiifMurt : Goo' Goos

1.Duco dhammaanteed waa dhuroow= nasiibso oo Ilaah kuma dhibo;
2-Habaar dhammaantii waa : dhimo oo wax ha reebin= waa inkaar;
3-Habaarka wuxuu u kala baxaa saddex: 2 - 10 - 150

-labada waa labadii ku dhashay;

-tobanka waa tolkaaga oo kuu yimid;

-boqolka iyo kontonka waa: raad ha reebin;

4-Xoolahaada waa lagu ciyaara aakiin sharaftaada iyo shaqadaada laguma ciyaaro;
5-Hadalka beenta ah wuxuu baabi'iyaa runtaada dambe;

jiif

Sheeko gaaban oo dhexmartey wiil iyo aabihii; waxeyna ahaayeen malaaydabata :

Wiilka aabihii ayaa jiradey oo sakarad noqday: wiilkii wuxuu, sariirta sakaraadka, ku kor weydiiyey aabihii:

" Aaboow, aaqira shamaak mala dhigtaa".

Aaabihii , isagoo u jawaabaya, kuna gubaabinaya inuusan meel iska fariisan, wuxuu ugu jawaabey:

"Maandhoobaa, ninna maharad la'aan meel uma fadhinayo."

qorrax

 

qorrax

Erey-bixin

caamo =

inta aan cilmiga lahayn
camma =
indhoole
xirsixir =
nabaaddiinaxirid
degmo =
beel ama cid
raawis =
daab qurxin

erey-bixinta = "SADDEX DADKAA KUGU NACA"

Barya badan,
Baahi badan,
Bugtaan badan

Ka sokow murtida ku jirta erayadan ee uu qof kasta fahmi karo, ujeeddadeena waxa ay tahay in erayada si gaar ah aan u dhuuxno:-

1)-
BARYO : hadal cid wax lagaga doono/ tuugmo/
cawabbaryood;

2)-
Baahi : wax waxtar ah ama lagamaarmaan ah, haddana aan
la haysanin/
wax in la helo ama la haysto la jeclaan lahaa,
gaajada loo qabo;

3)-
Bugtaan : Fayoobi la'aan/ cudur/ Jirro

Waxaa tilmaan mudan in erayga "Baahi" uu macna kale yeelan karo
sida:-
F.G.:-BAAHI = dhulka wada gaarsii = Faafi;
Murtidaan waxey garab taallaa mid kale ee ay soomalidu
isticmaasho taaso ah :-

"TUUGMO AADAMI TUUR AYEY KUU YEESHAA"

Erey - bixin > silcis v/sgoobroon
 
 
Infos
Somaliway.com ©1999-2012